Ku soo dhawow munaasabada iftiinka Vinterstad, 1-da Diisambar – 13-ka Janaayo

Waa maxay iftiinka Vinterstad?

Iftiinka Vinterstad waxay ka koobantahay qalabyo iftiin oo qaabab kala duwan leh kuwaas oo la daaro maalin kasta ilaa iyo 13-ka Janaayo. Qalabkani waa qaab kor loogu qaadayo magaaladan waxaanu kordhiyaa amaanka iyadoo la adeegsanayo caawimaada iftiinkan. Iftiinkan wuxuu yaala meelaha dadweynaha ka dhaxeeya oo waa bilaa kharash in la daawado. Iftiinka Kirismiska waxaa laga helaa magaalada oo sanadkan xitaa waxaa lagu kordhiyay iftiin joogto ah gudaha Berg, Linghem, Ljungsbro, Nykil iyo Sturefors. Soo kaxayso qoyska iyo asxaabta oo socod ku soo mara kuna raaxaysta qalabyada qurxoon ee iftiiminaya mugdiga jiilaalka.

Macluumaad dheeraad ah:
Hogaaminta mashruucan Visit Linköping & Co,
Claes Lauritsen claes.lauritsen@visitlinkoping.se, 013-190 00 14

Wixi macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan iftiinka Kirismaska:
Madaxa jardiinada Stadsträdgård Liselotte Johansson 013-20 68 07

 

Khariidada iftiinka Vinterstad

Khariidadan waxaa laga arkayaa meelaha ugu cajiibsan ee iftiinka Kirismiska ee Linköping – iftiinka Vinterstad. Raac jidka roosada ah si loo arko dhamaan iftiinka sheeko xariirka Vinterstad ee Linköping wadooyinkeeda siraadan.

Soo dejiso khariidadan ...